Wax ka ogow xanuunka macaanka

[Daahsoon] Xanuunka Macaanka ama Sokorowgu Waa xanuun ku dhaca aadanaha guud ahaan saameeyana caafimaad iyo isu dheelli tirnaanta jirka, xanuunka mar waa halis marna ma aha

Xanuunka macaanka waa halis marka la eego qodobadan

-Xanuunka sokorto Waa mid ka mid ah xanuunnada laysugu gudbiyo firka

-Xanuunka Sokortu waa xanuun qofka  uu ku dhaco anu Ka Bogsanayn

– Xanuunka Sokortu waa Xanuun Yaraynaya difaaca qofka  ee cudurrada kale

-Bukaanka qaba xanuunka Sokarta ofka way adagtahay in ay bogsadaan dhaawacyada soo gaara jirkiisa

-waa xanuun  u baahan taxadar joogto ah oo uu sameeyo bukaanka qaba macaanka.

Xanuunka sonkorta wali lama hayo jawaab saxa oo  qeexaysa sababta keentay cudurkan hase ahaatee waxaa jira waxyaalo badan oo la xaqiijiyey  inay keenaan ama ay fududayeen in uu qofku haleelo xanuunka sida isticmaalka macmacaanno fara badan, cuntiiyinka dufanku ku badanyahay, cuntooyinka aan isu dheelli tirneyn iyo jimicsi la’aanta.

Waxyaabahan aan kor  ku xusnay qofka ay ku  kulmaan   waxa uu halis   ugu   jiraa  xanuunka macaanka  ama sonkorowga  sidoo kale waxaa xanuunka macaanka   keena iyadoo  qofka dhaawac kasoo gaadho xubinta  ganaca  oo ah xubinta soo daysa dheecaanka loo yaqaanno  insulin kaasoo joogteeya isudheelitirka sonkorta loobahan yahayee jidhka wixii dheeriyana joojiya

Xanuunkan  macaanka waxa aloo qaybiyaa laba qaybood  oo waawayn  hase ahaatee  waxaa jirta qayb sadexaad oo gaar u ah dumarka  xiliga ay uurka leeyihiin waxaana la dhahaa ( gestational  Diabetic )

Laba qaybood oo kale ayaa lagu kala magacaabaa type 1  iyo type 2 ama nooca 1aad iyo nooca 2aad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *