Baro sida loo soo jiito gabadha aad jeceshahay, marka aad gabar jeclaato misana aadan aqoonin sida loo kasbado qalbigeeda waa dhibaato weyn laakin Haka Walwalin.
waxaan jeclaaday gabar, waxaa igu adkaatay in aan u soo bandhigo jaceylkeyga sababtoo ah waan ka baqayay.
Runtii markuu jaceylku dhab kaa yahay waa dareen aan caadi ahayn, wuxuu kugu dhalinayaa cabsi saaid ah iyo in aad ka baqato sheegashada jaceylkaaga.
Maxaa yeelay ma dooneysid in aad weyso qoftaasi kugu dul wareegeyso. Waqti kastaba hakugu qaadatee waxaa ka go’an soo jiidashada gabadhaas.
Hadaba qormadani waxa ay kaa caawin doontaa in aaad barato sida loo soo jiito gabar walbaa oo aad jeceshahay gaar ahaan marka ay kugu cusub tahay.
Sida loo soo jiito gabadha aad jeceshahay
1: Baro erayo lagu soo jiito gabadha aad jeceshahay Sida loo soo jiito gabadha aad jeceshahay waa wax fudud, haddii aad adeegsato erayo qalbigeeda soo jiidanayo. In aad barato erayo erayo Macaan gaar ahaan kuwo soo jiidasho leh kuuma soo dhaweyneyso gabadha aad jeceshahay oo kaliya ee sidoo kale waxa aad ku soo jiidaneysaa dareenka gabadha aad jeceshahay. Xusuusnow hadalka macaan waxa uu leeyaahy maqaam iyo macno gaar ah, waxa uuna ku yimaadaa u jeedo, sidaa darteed haka weecan u jeedadaada, iskuna day in aad miisaanto hadaladaada, Qish: Of course halkani waxaan kuugu diyaarinay erayo aan is dhaheyno alley lahee waad ku soo jiidaneysaa gabadha aad jeceshahay.
Sameey jimicsiga jirdhiska
2: Marka ay gabadhu aragto jirkaaga oo macaan misana qurux badan, durbaba wax ay qalbiga iska leedahay: Waaw, alla macaana wiilkaan, yaa mar lee kuu aqal geliyo iyo erayo kaloo la mid ah.
Waxa ay maanta oo dhan kula raaceysaa isha. Laakin markaad calool leedahay ma jirto qof ku soo fiirinayo, iskaba daa in ay kula hadasho. Sameey maanta jirdhis oo qurxi jirkaaga si aad jacayl ugu abuurto gabadha aad jeceshahay.
Noqo wiil xarrago badan
3: Wiilasha ayaa ku kala duwan labiska ama xarragaada, midna wuu xarrago badan yahay midna maba yaqaano sida loo xarragoodo.
Taasina waa sababta raga qaar ay single u yihiin ama suuqoodu u yaryahay. Isku day in aad xirato labiska raga gaar ahaan kuwa gabdhaha ay ka helaan.
U dhoolacadeey gabadha aad jeceshahay
4: Goorta aad aragto gabadha aad jeceshahay, u dhoolacadeey, tusi in aad tahay qof furfuran. Taasi waxa ay kuu suurto gelineysaa in ay kula hadasho ama ay iyadana kuu dhoolacadeyso. Haddii ay intaasi dhacdo waxaad ku guuleysato hadafka koobaaad.
U muuji naxariis
5: Si aad usoo jiidato gabadha aad jeceshahay waa inaad noqotaa wiil naxariis leh. Ula dhaqan gabdhaha sida aad jeceshahay in ay kuula dhaqmaan.
Waxaa laga yaabaa in aad fududaysato arrintaan laakiin waa xaqiiqo. Haddii aad jeceshahay in ay dadku ku xushmeeyaan kuna qadariyaan, waa inaad bilowdaa inaad ula dhaqanto sidaada oo kale.
Badanaa gabdhaha waxa ay jeclaadaan wiilka shaqsiyadda leh ee aadaabta leh, isla markaana u naxariista dadka kale.
Ugu dambeys gabadha aad jeceshahay
In aad soo jiidato gabadha aad ka heshay, waxaa ka horeeyso in aad naftaada ku kalsoonaato kana taxadirto qurxinta, jirkaaga iyo labiskaaga.
Marka aad intaasi sameyso kuma soo raadineyso gabadha aad jeceshahay oo kaliya ee waxaa ku soo raadinayo Xaliimo kastaa oo nin doon ah, garoobadana warkood daa.