Artificial Inelegance Ma Naga Caqli Badnaan Doonaan?

[DAAHSOON] Nin loo arko inuu yahay Aabaha mashiinnada caqliga macmalka leh (AI) ayaa isaga tegay shaqadiisa, isagoo ka digay khatarta sii kordheysa ee horumarrada laga gaarayo aaladaha casriga ah ee Technologyadu ay hormuudka u tahay.

Geoffrey Hinton, oo 75 jir ah, ayaa warqad uu u diray New York Times ku dhawaaqay inuu ka tagay shirkadda Google, isagoo sheegay inuu haatan ka shallaynayo shaqadiisa, isaga oo leh “Haatan, nagama caqli badna inta aan sheegi karo. Balse mar dhow laga yaabee.”

Dr. Hinton ayaa sidoo kale garwaaqsaday in da’diisa ay door ku leedahay go’aanka uu shaqada kaga tagay shirkadda, “Waxaan ahay 75 jir, marka waa waqtigii aan howlgab noqon lahaa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay isaga oo hadlayay.

Baaritaannada daraaseynta qotada dheer iyo sida ay aaladahan u shaqeeyaan ayaa waddada u xaaray hannaanka  mashiinnada macmalka ee haatan la isticmnaalo, kuwaas oo sanad walba lasoo kordhinayo iyaga oo taho wanaagsan.

CAQLIGA MACMALKA

Balse ninkan cilmu-nafsiga ku takhasusay ahna saynisyahan kumbiyuutar, una dhashay dalka Britain ayaa BBC u sheegay in mashiinnadaan ay dhowaan la wareegi doonaan heerka warbixin ee ay maskaxda bani’aadamku keydin karto.

Dr. ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Haatan, waxaan arkeyno waa waxyaabaha sida GPT-4 ay uga aqoon badiso qofka. Marka la eego dhanka sababeynta, sidaasi uma fiicno, balse haatanba xoogaa sababeyn ah ayay sameysaa”.

“Marka la eego heerka horumarka, waxaan fileynaa inay arrimuhu dhaqsi isu beddelaan. Marka waxaan u baahannahay inaan taas ka walwalno.”

Maqaalka lagu qoray New York Times, Dr Hinton wuxuu tilmaamay “dad xun” oo mashiinnadan u adeegsan doona “waxyaabo xun, markii laga codsaday inuu arrintan iftiimiyo, wuuxu ku jawaabay: “Tani waa waxa ugu xun ee dhici kara.

“Waad qiyaasi kartaa, tusaale ahaan, dad xun sida [Madaxweynaha Ruushka Vladimir] Putin ayaa go’aansaday inuu mashiinnada macmalka ah siiyo awoodda ay ugu sameeyaan hadafyadooda hoose.” Ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Saynisyahanka ayaa ka digay in tani ay muddada dheer abuuri karto “abuur hadafyada hoose sida, waxaan u baahanahay inaan helo awood dheeraad ah, waxaan ogaaday in mashiinnada macmalka ee aan soo saareyno inay aad uga duwan yihiin kuwa aan heysanno.

Hadalka ksoo baxay Dr Haatan ayaa kusoo aadaya xilli adduunku dadaal badan ugu jiro in  Mishiinnada macmalka ah ay qabtaan shaqooyinka aadana, kuwaas oo lagu tilaamo in ay howgab ka dhigayaan aadanihii abuuray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *