Dabeecadaha Siyaasiinta iyo jiilka Cusub EE dhalinyarta

Beri dhexdaas ah qof ayaa igala sheekeysanayay dabeecadihii siyaasiyiinta oo hadda ku dhex faafay dhallinyaradii nolosha billowga ah la kowsanaysay.

Tusaalayaasha yaabka leh ee uu soo qaatay waxaa ka mid ah in nin kula fadhiya uu xumaan tiro badan ka sheegayo qof kale oo aanan markaas meesha joogin. Wax yar ka dib waxaa meeshii imaanaya qofkii la jafayay. Isla ninkii xumaanta sheegayay oo waxaa la arkayaa inta u istaagay si maxabbo leh u soo dhawaynaya, “Taliye! Nabaddoonkeyga! Madax sare! Waan kuu taaganahay. Illaa aad fadhiiso iga dhahdo ma fadhiisano”.

Qof aanan war u hayn haddii uu kor ka arko, waxa uu ku dhaaran karaa in labadaan qof ay adduunka isugu jecel yihiin oo weligood aysan xumaan dhex marin.

Sababta ay munaafaqadda heerkaas la eg u jirto ayaan isweyddiinay aniga iyo saaxiibkay. Waxa uu iigu soo koobay in ay tahay arrin lagu wada qancay, oo qof kasta uu aaminay inay noloshuba noocaas u taal.

“Perception” waa istus ama sawir ay maskaxdaadu ka qaadato sida ay u eg tahay runta “Reality”. Dad badan ayaa aakhirka la kulma isla runtii ay marka hore istuseen. Dad kale oo kuwaas aanan waxba uga duwanaynna waxa ay la kulmaan run ka roon tan ay qolada hore ku dambeeyeen.

Culumada mawduucaan daraaseeya waxa ay ku doodeen in runtu ay tahay dareere (fluid) aanan hal qaab lahayn, balse weelkii lagu shubo u ekaata. Qof walba runtiisu waxa ay ugu ekaataa weelka uu ku shubto. Ooraah caan ahna waxa ay tiraa, “sida aan adduunyada u aragno waa sida aan annagu u eg nahay, ee ma ahan sida ay iyadu [adduunyada] run ahaan u eg tahay— We see the world, not as it is, but as we are!”

Haddaba, si ay runta aad ku nooshahay u noqoto mid wanaagsan, waxaa fiican in aad marka hore istus wanaagsan yeelato. Si uu istuskaagu wanaag kuugu noqdana, waa in aysan ku dhaqandoorinin dhacdooyinka xun ee noloshu.

Waxaa la dhahaa, annagu dhacdooyinka (events) waxba ka ma beddeli karno, laakiin waxaan awood u leennahay in aan go’aamino sida aan dhacdada uga falcelinayno (how to respond to the event). Haddii aad aragto qof dhallinyaro ah oo noloshiisu ay munaafaqad, xan, caay iyo dhabar-ka-toogasho ka sameysan tahay, dhacdadaas waxba ka ma beddeli kartid, laakiin sida aad uga falcelinayso baa ah midda qaabeynaysa sida aad isku tusto runta, oo hadhowna ay runtaadu noqon doonto.

Ha uga falcelin in aad xumaanta uga dayato. Ha na aaminin in runta nolosha magaalada ka jirtaba ay sidaas uun tahay. Taas beddelkeeda, ka fogow inta aad ka fogaan karto caadooyinka liita— xitaa haddii ay sidii holac kuugu hareereeysan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *