Hababka Loo Adkeeyo Lafaha, Caafimaadkoodana sare loogu qaado

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka waxaan ku soo qaadan doona hababka loo adkeeyo lafaha.

Sidee u xoojin kartaa caafimaadka lafahaaga? Waxaad u baahan tahay macdanta kalshiyaam iyo fitamiin D si aad u adkeyso lafahaaga.

Kalshiyaam waxa ay door wayn ka qaadataa qaab dhismeedka lafaha, halka fitamiin D uu caawiyo in jirku uu cunnada ka nuugo macdanta kalsiyaam.

Markasta oo ay da’da qofka sii weynaato lafuhu way daciifaan, sidaas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in inta qofka uu yaryahay uu ku dedaalo sidii uu dhisi lahaa lafo xooggan, islamarkaana uu ka taxaddaro caafimaadkooda.

Inta badan marka la dhaafo da’da 30 jirka waxaa yaraada cufnaanta lafaha.

Dabcan arrimo kala duwan ayaa saamayn ku yeelan kara quwadda lafaha, sida dhaxalka, cunnada iyo heerka xarakaadka qofka.

Muddooyinka dambe waxaa soo badanaya dadka ka cabanaya cudurka lafo burburka ee loo yaqaanno “osteoporosis”. Haddaba casharkeenna maanta waxaynu ku eegaynaa hababka loo xoojin karo quwadda iyo caafimaadka lafaha.

Hel kalshiyaam kugu filan:

Kalsiyaam waa macdan aanay lafuhu ka maarmi karin, cunnooyinka laga helo waxaa ka mid ah caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo sida youghurt-ka.

Hel fitamiin D kugu filan:

Fitamiin D la’aantiis, waxaa dhici karta in jirku uu cunnada ka nuugi waayo macdanta kalsiyaam. Fitamiin D waxaa laga helaa qorraxda iyo cunnooyinka qaar sida ukunta, kalluunka, caanaha iyo cabitaanka liinta oranjada.

Fitamiin K:

Fitamiin K wuxuu muhiim u yahay caafimaafka lafaha, meelaha laga helo waxaa ka mid ah khudradda cagaaran sida koostada, broccoli-da, sukuumada iwm.

Samee jimicsi joogto ah:

Fadhiga badan waxaa la aaminsan yahay inuu ka qayb qaato cudurka lafo burburka. Ku dedaal inaad samayso jimicsi joogto ah sababtoo ah jimicsigu wuxuu adkeeeyaa lafaha iyo murqaha.

Ka fogow sigaar cabbidda:

Dadka cabba sigaarka ayaa lafahoodu yihiin kuwo awoodoodu liidato iyagoo gaari kara heer ay jabaan. Kalagoysyada oo xanuuna ayaa lagu arkay inbadan oo ka mid ah dadka sigaarka cabba. Sigaarku wuxuu yareeyaa awoodda uu jirka u leeyahay inuu ka faa’idaysto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *